Maktabadda

As-Salaamu calaykum,

Waad ku mahadsan tahay soo booqashada aad nasoo booqatay…
Waan guurnay. Waxaad naga heli kartaa boggeenna cusub ee www.maktabadda.com

Mahadsanid.


25 thoughts on “Maktabadda

  1. Raganimo iyo dadnimo ayaan u qiray dadkii hawshaan isu xilqaamay. Ilaahay ha barakeeyo oo ha nuursho oo ayaga iyo dadkoodaba ha dhowro.
    Anigu waxaan jeclahay in si sharaf leh loo sharfo dadka wanaagga u taagan oo bulshada waxtarka u ah. Bal fiirsha nin ayaa wakhti iyo dadaal ku baxshay sidii uu noogu sahli lahaa inaan si fudud u helno suugaantii Sayidkeenii ahaa halyeeygeenii. Maasha Allaah, guulaysta ayaan idin leeyahay waxaadna tihiin Darwiishyada casriga oo nool.

    Liked by 1 person

  2. Maanta ayaan arkay bartan intarnet, oo aan filaayo inaad waxyaabo badan oo aad u qiima badan ku soo ban dhigteen. Garabkiina.

    Liked by 1 person

  3. Run ahaanti waxa aan halkan ka faa’iday wax yar ma ahan.
    Dadki Maktabaddan Wax ku Qora iyo cidda Isku xilqaantayba wax aan Ugu Abaal Gudo Ma Garan Karo.
    Waxaan Allaah Idiin Ka Baryayaa In Ajarkeeda Allah Idiin Waafajiyo.

    Liked by 1 person

  4. Waxyaalahaan ku hamiyi jiray markaan nigu arkay dhiiru galin baa niga helay, idinkoo kala ku dayasho mudano Soomaalida hadda.

    Like

  5. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta arko oo ka faa’iideysto aqoonta dhex ceegaagta diiwaan dhigaalkan, waan u mahadnaqaya ciddii soo abaabushay hawshan qiimaha badan ee ku dayashada mudan.

    Like

  6. Gob gobi dhashay.
    Runtii waa goor afku Cidhiidhi galay ee waxaad mudan tihiin billado Dahab ah.

    Like

  7. Runtii weli maan arag shabakad la mid ah shabakaddan. Runtii waxyaabaha aan la yaabay waxa ka mid ah habka deeqsinimada ah ee ay xaasidnimadu ka dheer tahay ee ay aqoonta u soo gudbinayso shabakaddani. Waa wax lagu farxo, si weyna waan ugu mahadcelinayaa shabakadda, Ilaahayna ha ka abaal mariyo shaqada wanaagsan ee wax tarka leh ee ay ummada u qabteen.

    Like

  8. Maashaa Allaah. Jazaakallaah. Waa faa’iido aad loogu baahan yahay. Dadka isku hawlay aad bay u mahadsan yihiin. Ilaahay baa mahad iska leh.

    Like

  9. Waad ku mahadsan tihiin sida geesinimada leh eed howshan aad ummadda Somaaliyeed aad u haysaan. Alle haydin abaal mariyo. Aamiin. Aamiin.

    – Muwaadin Dhab Ah

    Liked by 1 person

  10. Maa shaa Allah keep up da good spirit waa ariin aad iyo aad uu ufaaido badan yahay. Ilaahay haniga abaal mariyo Jazaakumu Allahu khayran

    Like

  11. Maasha allah waa meel qiimaha badan oo cilmi badan aan doonayi in aan ka faa’iido, hadaana iigu horaysa. Guulaysta. Akhyaareey. Inshaa Allaah.

    Like

  12. asc dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii isku xil qaamay u adeegid af-keena hooyo waxaan idin leeyahay cimrigiina ha dheeraado.
    waxaan ka dalbanayaa maamulka maktabadda halkan ma heli karnaa buugtii afkeena ee la dabacay xilligii dawladdii dhexe?

    Like

  13. mahad Allaa iska leh ku dayashana nabigeena (n.n.k.h). Anu waxaan odhan lahaa waxay soo qabteen hawshi u waynayd. Waa salaaman tihiin.

    Like

  14. Aad bay u mahadsan yihiin dadka halkaan isugu keenay buugaagtaan muhiimka ah, laakiin Hal arrin oo muhiim u ah dhamaan umadda soomaaliyeed si gaar ahna muhiim ugu ah da’ yarta soomaaliyeed ee taariikhdooda laga indha tiray meesha Kuma jiraan, waana taariikhda innaga iyo xabashi Ina Soo kala martay ilaa haddana Ina kala haysata, iyo cadaawadda guunka ah ee Ina dhex taal innagiyo xabashi iyo tolkeed oo ah gaaladii waligeed hiil iyo hoo innaga inaga dhan ah la garab taagnaan jirtay.

    Like

Aragtidaada Dhiibo